Muxuu yahay Ninka aadka ugu muuqaalka eg David de Gea ee uu Twitter-ka ku soo bandhigay Goolhayaha Kooxda Manchester United?

(Manchester) 04 Agoosto 2020. Goolhayaha kooxda Manchester United ee David de Gea ayaa soo bandhigay nin aad ugu muuqaal eg oo haddana ka mid ah bahda isboortiga, waana uu layaaban yahay illaa iyo hadda.

David de Gea ayaa u muuqday mid layaaban sida uu ugu muuqaal eg yahay macallinka kooxda Ross County ee Stuart Kettlewell weliba qaabka uu timaha iyo garka u sameysay, waxaana goolhayaha reer Spain uu soo dhigay bartiisa Tiwtter-ka.

Shabaq ilaaliyaha Kooxda Manchester United ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo daabacay Sawirka Kettlewell oo la hadlayey Sky Sports, ka hor kulankii ay ka horjeedeen Motherwell ee Scottish Premiership, waxaana uu soo sawirkaas soo raaciyey emoji weji yaaban ah!.

Dad badan ayaa fal celin ka sameeyey sawirkaan oo dhankooda la yaabay, waxaana dadkaasi ka mid ah xiddiga ay isku kooxda yihiin Goolhaye De Gea ee Marcus Rashford oo soo dhigay emojis qosol ah.

Tababaraha County ayaa qaabka timaha iyo garka uu u sameysay waxa uu aad u shabbahaa De Gea, iyadoo goolhayaha kooxda 20-ka goor u guuleysatay uu aad ula yaabay markii uu arkay macallinkaan.

Dhinaca kale De Gea ayaa weli tababar la sameynaya kooxdiisa Man United oo isku diyaarinaysa kulanka Europa League lugta labaad ee 16-ka oo ay Habeenka Khamiista ah la leeyihiin LASK.

Red Devils ayaa faa’iido u haysata shan gool oo ay ku soo adkaadeen kulankii lugta hore ee ka dhacay garoonka Old Trafford, waxaana ay hal lug la sii galeen siddeed dhammaadka tartankan Europa League.

Todobaadkii hore, Kooxda Man Utd ayaa u soo baxday ka qeybgal-ka Champions League xilli ciyaareedka soo socda, iyadoo De Gea oo shabaqiisa gool ka ilaashaday kulankii ay ku xaqiijisteen u soo bixitaankooda UCL oo ay 2-0 uga adkaadeen Leicester City kulankii ugu dambeeyey xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close