Man United oo soo bandhigtay maaliyadda ay xiran doonto marka ay gurigeeda ku ciyaarayso fasal ciyaareedka cusub ee 2020/21.… + SAWIRRO

(Manchester) 04 Agoosto 2020. Kooxda kubadda cagta Manchester United ee ka dheesha horyaalka Premier League ee dalka Ingiriiska ayaa soo bandhigtay maaliyadda ay ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka cusub.

Kooxda ka dhisan Magaalada Manchester waxa ay shaacisay maaliyadda ay ku ciyaari doonto marka ay mininkeeda joogto xilli ciyaareedka cusub ee 2020/21.

Maaliyaddan oo dhammaanteed wada casaan ah ayaa garbaha ku leh saddex diilin oo caddaan ah, waxaana ay sidoo kale jiitimo yar yar oo Jaalle ah

Labiskan cusub oo ay kooxda Manchester United ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka cusub waxaa farsameysay shirkadda qalabka isboortiga ee Adidas, waxaana xabadka kaga dheggan magaca CHEVROLET iyo sumadda shirkadda ay xayeysiin doonto iyo sidoo kale astaanta kooxda.

Kooxda uu hoggaamiyo macallin Ole Gunnar Solskjaer ayaa markii ugu horreysay maaliyaddaan cusub ku ciyaari doonta marka ay LASK  ku soo dhaweyneyso garoonka Old Trafford lugta labaad ee 16-ka Europa League habeenka Khamiista ay soo galayso.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close