Kooxda Chelsea oo lacag rikoor ah ku soo qaadan karaysa Ben Chilwell… (Meeqa Milyan ayaa laga dalbaday inay miiska saarto Blues?)

(London) 04 Agoosto 2020. Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa la soo warinayaa in looga baahan yahay inay bixiso lacag rikoor ah si ay gacanta ugu soo dhigto Ben Chilwell.

The Blues kooxda lagu naynaaso ayay waajib ku tahay inay Bangiga u jabiso xiddiga Naadiga Foxes ee Chilwell.

Leicester City ayaa u sheegtay Chelsea inay bixiyaan lacag rikoor ah si ay ula saxiixdaan difaacooda aadka loo doon-doonayo ee Ben Chilwell.

Jariiradda The Mirror ayaa warinaysa in Foxes ay dalbanayso 80 milyan oo gini oo u dhiganta 105 milyan oo dollar taasoo ah lacagta lagu burburin karo qandaraaska xiddiga xulka qaranka England.

Warbixinta waxaa sidoo kale lagu sheegay in lacagtaas ay Leicester ku dalbanayso Ben Chilwell ay la mid tahay middii ay xagaagii la soo dhaafay Kooxda Manchester United kula saxiixatay Harry Maguire.

Chelsea 'will have to pay Leicester more than £80m to sign left ...

23-sano jirkaan Ben Chilwell ayaa heshiiska uu ku joogo garoonka King Power waxa uu ku eg yahay illaa sanadka 2024-ka, waxaana uu kooxda la joogay tan iyo markii uu 12-sano jir ahaa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close