Halkee ayuu marayaa heshiiskii ay Kooxda Chelsea ku doonaysay Goolhaye Dean Henderson?

(London) 04 Agoosto 2020. War cusub ayaa ka soo baxaya heshiiskii kooxda ka dhisan Galbeedka Magaalada London ee Chelsea ay ku doonayso Goolhaye Dean Henderson.

The Blues Kooxda lagu naynaaso ayaa la filayaa inay isaga baxdo heshiiskii ay ku doonayso shabaq ilaaliyaha Kooxda Sheffield hadda ka tirsan ee Dean Henderson.

Warsidaha Football Insider ayaa warinaya in Chelsea aan la fileynin inay heshiis la gaarto Kooxda Manchester United, kaasoo ku aaddan saxiixa Goolhaye Dean Henderson.

Chelsea ayaa aad u doonaysay oo la la xiriirinayey saxiixa Goolhayaha ay milkiyaddiisa iska leedahay Kooxda Manchester United ee Dean Henderson, laakiin haatan waxa ay u badan tahay inay Blues isaga bixi doonto raacdada ay ugu jirto xiddigan.

Chelsea target Dean Henderson will only sign new Man Utd contract ...

Kooxda Blues ayaa wadahadallo la yeelatay laacibkaan amaahda kula jooga Kooxda Sheffield United, laakiin Tababare Frank Lampard ayaa haatan diyaar u ah inuu u weecdo soo xerogalinta goolhaye cusub oo uu ka raadsao meel kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close