Kai Havertz oo aan ka tagi doonin Kooxda Bayer Leverkusen illaa dhammaadka bisha soo socota… (Sidee wax u jiraan?)

(Leverkusen) 30 Luulyo 2020. Kai Havertz ayaa ka tagi doonin kooxda kubadda cagta  Bayer Leverkusen ka hor inta uu ka dhammaanayo tartanka Europa League dhammaadka bisha soo socota, sidaas waxaa shaaca ka qaaaday Agaasimaha naadiga ee Rudi Voller.

21-sano jirkaan ayaa hadda ah bartilmaameedka ugu sarreeya kooxda Chelsea ee suuqa xagaaga, waxaana ay doonaysaa Blues inuu soo raaco waddadii ay mareen Hakim Ziyech iyo Timo Werner, waxaana ay ku soo qaadan karaysaa 90 milyan oo gini.

Si kastaba ha noqotee, iyadoo Bayer ay 3-1 ku hoggaamineyso ayay ciyaari doontaa lugta labaad ee wareegga 16-ka Europa League ee ay la leeyihiin Rangers 6 Agoosto, xiddigii hore ee xulka qaranka Jarmalka ee Voller ayaana ku adkeystay in ciyaaryahankooda uu diyaar u noqon doono tartammada Yurub  inta lagu guda jiro bisha Agoosto.

Markii la weydiiyay bal inuu Havertz noqon karo mid la arki karo, Voller waxa uu u sheegay Wargeyska Jarmalka ee  Kicker: ‘Waxay ku dhigan tahay dhagax.’

‘Ma jiro mawqif cusub.’

Intaa waxaa sii dheer, Voller wuxuu sheegayaa in kooxda Frank Lampard ay bixin doonaan qiimaha buuxa ee Havertz haddii ay doonayaan inay iibsadaan xiddigan reer Jarmal xagaagan.

‘Ma jiri doono gunno corona ah’ ayuu yiri ka hor inta uusan qiranin: ‘Si kasta oo uu ciyaaryahanku yahay, kani waa suuqa kala iibsiga gaarka ah. ‘

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close