“Waan ka adkaan karnaa Real Madrid la’aanta Sergio Aguero” – İlkay Gündoğan

(Manchester) 29 Luulyo 2020. Xiddiga Manchester City ee İlkay Gündoğan ayaa kalsooni weyn ka muujiyay inay ka gudbi doonaan la’aanta Sergio Aguero kulanka adag lugta labaad ee wareega 16-ka Champions League ay soo dhaweyn doonaan kooxda Real Madrid.

İlkay Gündoğan ayaa wareysi uu ku bixiyay website-ka kooxda Manchester City maanta oo Arbaco ah wuxuu ku sheegay:

“Xaqiiqdii waa arrin niyadjab leh inuusan nala joogin Sergio Aguero”.

“Waxaan u rajeyneynaa inuu si dhaqso leh u soo fiicnaado, isla markaana uu nagula joogo sida ugu dhaqsaha badan, sababtoo ah waa ciyaaryahan muhim inoo ah anaga”.

جوندوجان وأجويرو

“Waa inaan la tacaalnaa dhaawacyada, sida aan sameynay xilli ciyaareedkan kaddib maqnaanshiyaha Aymeric Laporte, waa inaan sidaas oo kale ka sameynaa arrinta Aguero, waan hubaa inaan taas sameyn karno”.

“Waan hubaa inaan wax ka qaban karno arrintaas, laakiin dabcan waan waayi doonaa”.

Si kastaba ha noqotee, kooxaha Manchester City iyo Real Madrid ayaa isku wajihi doono kulanka lugta labaad ee wareega 16-ka Champions League 7-da bisha soo aadan ee August, iyadoo kulankii lugta hore ay guul 1-2 ah ku soo gaartay kooxda reer England.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close