Waa kuwee labada xiddig ee ka tirsan Chelsea, kuwaasoo ku qanciyey Kai Havertz inuu xagaagan kula soo biiro Kooxda Blues?

(London) 29 Luulyo 2020. Waxaa la ogaaday magacyada labada ciyaaryahan ee ka tirsan Kooxda Chelsea kuwasoo Kai Havertz ku qanciyey inuu xagaagan kula soo biiro Blues.

Xiddigaha ay Kai Havertz ka wada tirsan yihiin Jarmalka ee Timo Werner iyo Antonio Rudiger ayaa la soo warinayaa in ku qanciyeen laacibka khadka dhexe ee Bayer Leverkusen inuu ku soo biiro kooxda Chelsea xagaagan.

Blues ayaa ku horreysa tartanka loogu jro Havertz, waxaana ay qorsheyneysaa inay la soo saxiixato 21-sano jirkaan kaddib markii ay xaqiijisteen u soo bixitaanka Champions League maalintii ugu dambeysay xilli ciyaareedka.

Werner, Rudiger 'convince Havertz to join Chelsea'

Kooxda Chelsea ayaa horay u soo qaadatay Timo Werner iyo Hakim Ziyech xagaagan, iyadoo heshiiskii saddexaad oo ay kula saxiixanayso Havertz loo maleynayo inuu gabagabo ku dhow yahay kaddib markii xiddiga reer Jarmal uu muujiyay rabitaankiisa ah inuu doonayo inuu ka tago Naadiga Leverkusen Isbuucii hore.

Shabakadda Football.london ayaa warinaysa in saaxiibadiisa ay wadaagaan qaranka ee Werner iyo Rudiger ay ku dhiirigeliyeen inuu u soo dhaqaaqo garoonka Stamford Bridge, iyagoo ka iibiyay aragtida kooxda ee uu macallinka u yahay tababare Frank Lampard.

Havertz ayaa haatan doonaya inuu ku riixo kooxdiisa in heshiiskiisa sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhammeeyo isbuuca soo socda, inkastoo labada koox ay tahay inay marka hore ogolaadaan lacagta lagu burburin karo xiddigan khadka dhexe ee wax weerara.

Chelsea ayaa sidoo kale la fahamsan yahay inay raadineyso goolhaye cusub, daafaca bidix iyo daafaca dhexe, maadaama ay qorsheynayaan inay qarashgareeyaan xagaaga lacag badan, iyadoo ay jirto saameynta dhaqaale ee Karoonaha.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close