Guardiola iyo Mourinho oo hoggaaminaya Tababareyaasha u sharraxan abaal-marinta macallinka bisha July ugu fiicnaa horyaalka Premier League

(England) 29 Luulyo 2020. Labada tababare ee Guardiola iyo Mourinho ayaa hoggaaminaya liiska macallimiinta u sharraxan abaal-marinta tababaraha bisha July ugu fiicnaa horyaalka Premier League.

Guardiola, Hasenhuttl, Mourinho, Moyes iyo Solskjaer ayaa u sharraxan oo ku tartami doona abaal-marinta Tababarihii ugu fiicnaa horyaalka Premier League bishii ugu dambeysay ee xilli ciyaareedka 2019/20.

Pep Guardiola, Ralph Hasenhuttl, Jose Mourinho, David Moyes iyo Ole Gunnar Solskjaer ayaa ah dhammaan shanta tababare ee ku tartami doonta abaal-marintan hal macallin kaliya ayaana ku guuleysan doona.

See the source image

Pep Guardiola (MCI)

7 kulan, 6 guul, 1 guuldarro wax barbaro ahna ma galin bishaas kulammadii uu hoggaamiyey kooxda Manchester City.

Ralph Hasenhuttl (SOU)

6 kulan, 3 guul, 3 barbaro, wax guuldarro ahna ma soo gaarin bishaas kulammadii uu hoggaamiyey kooxda Southampton.

Jose Mourinho (TOT)

7 kulan, 4 guul, 2 barbaro, 1 guuldarro ayuu ku hoggaamiyey kooxdiisa Tottenham kulammada uu horkacay bishan gabagabada ah ee July.

David Moyes (WHU)

7 kulan, 3 guul, 3 barbaro, 1 guuldarro ayuu ku hoggaamiyey kooxdiisa West Ham United kulammada uu horkacay bishan gabagabada ah ee July.

Ole Gunnar Solskjaer (MUN)

6 kulan, 4 guul, 2 barbaro, wax guuldarro ahna ma soo gaarin bishaas kulammadii uu hoggaamiyey kooxda Manchester United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close