DAAWO: Goolasha u sharraxan abaal-marinta goolkii ugu quruxda badnaa bisha July ee horyaalka Premier League oo la shaaciyey

(London) 29 Luulyo 2020. Waxaa la shaaciyey siddeeda ciyaaryahan ee ku tartami doona abaal-marinta goolkii ugu quruxda badnaa ama ugu fiicnaa bisha July ee horyaalka Premier League.
Musharraxiinta dhaliyey goolashii ugu quruxda badnaa bisha July ee horyaalka Premier League waxaa ka soo muuqday weeraryahanka Man United ee Anthony Martial oo ku tartami doona goolkii uu ka dhaliyey Bournemouth, halka sidoo kale uu ka mid yahay weeraryahanka kooxda Arsenal ee Alexandre Lacazette oo isna ku tartamaya goolkii uu ugu shubay kooxda Tottenham.
Sidoo kale waxaa tartami doona Wilfried Zaha, Danny Welbeck iyo David Silvaoo iyaguna goolal cajiib ah ka dhaliyey horyaalka Premier League bishan gabagabada ah ee July.
Halkaan hoose ka eeg siddeedda gool ee laga dooran doono goolka ugu quruxda badan horyaalka Premier League ee dhashay bisha July waxaana ay kala yihiin;-
Anthony Martial (MUN 5-2 BOU) 4 July
Wilfried Zaha (CRY 2-3 CHE) 7 July
Danny Welbeck (WAT 2-1 NOR) 7 July
Alexandre Lacazette (TOT 2-1 ARS) 12 July
David Silva (MCI 2-1 BOU) 15 July
Raul Jimenez (BUR 1-1 WOL) 15 July
Yves Bissouma (BUR 1-2 BHA) 26 July
Kevin De Bruyne (MCI 5-0 NOR) 26 July
Xiddigii ku guuleystay bishii hore goolkii ugu quruxda badnaa horyaalka ee Brun Fernandes ayaan ka mid ahayn musharraxiinta bishan July ee goolka ugu quruxda badan ka dhaliyey Premier League, waxaana ciyaaryahanka ku guuleysta abaal-marintan lagu dhawaaqi doonaa Jimcaha soo aaddan oo ay Taariikhdu tahay 31 bisha July.
Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalka goolasha ku tartami doona abaal-marinta goolkii ugu fiicnaa horyaalka Premier League ee bisha July:-
🚀 🤸♂️ 👟
Long range efforts, overhead kicks and volleys, but which is your @budfootball Goal of the Month?#PLAwardspic.twitter.com/NK06ZDurJA
— Premier League (@premierleague) July 29, 2020
Gool FM.