Ciyaartoyda u sharraxan abaal-marinta xiddiga bisha July ee horyaalka Premier League oo la shaaciyey, xilli Kooxda Chelsea ay labo xiddig ku leedahay

(London) 29 Luulyo 2020. Waxaa la shaaciyey ciyaartoyda u sharraxan abaal-marinta xiddiga bisha July ugu fiicnaa horyaalka Premier League, iyadoo labo ka mid ah ay ku leedahay Kooxda Chelsea.

Labada ciyaaryahan ee kooxda Chelsea Olivier Giroud iyo Christian Pulisic ayaa ka soo muuqday liiska xiddigaha todobada ah ee u sharraxan abaal-marinta xiddiga bisha ee horyaalka Premier league.

Xiddigahaan labada ah ee Giroud iyo Pulisic ayaa fure ahaa kooxda Chelsea inay u soo baxdo Champions League xilli ciyaareedka dambe.

Marka laga soo tago Giroud iyo Pulisic , waxaa jira shan ciyaartoy oo kale oo sameeyay bandhig cajiib ah kuwaasoo liiskan ka soo muuqday.

Xiddigaha kale waxa ay kala yihiin Antonio, Kane, Martial, Pope iyo Sterling.

Liiska xiddigaha musharraxiinta ah oo dhammaystiran:-

Michail Antonio – West Ham United.

Olivier Giroud – Chelsea

Harry Kane – Tottenham

Anthony Martial – Man United

Nick Pope – Brunley.

Christian Pulisic – Chelsea

Raheem Sterling – Man City

See the source image

Xiddigii ku guuleystay abaal-marinta ee Brun Fernandes ayaan ka mid ahayn musharraxiinta bishan July, waxaana ciyaaryahanka ku guuleysta abaal-marintan lagu dhawaaqi doonaa Jimcaha soo aaddan oo ay Taariikhdu tahay 31 bisha July.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close