“Willian wuxuu labo dalab ka helay horyaalka Premier League” – Wakiilkiisa

(London) 28 Luulyo 2020. Wakiilka xiddiga kooxda Chelsea ee Willian ayaa xaqiijiyay in labo kooxood ka dhisan horyaalka Premier League ay dalab ka soo gudbiyeen ciyaaryahanka reer Brazil.

Heshiiska uu Willian kula joogo Chelsea ayaa wuxuu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan 2019/2020, kaddib kulanka ay is ku wajahi doonaan kooxaha Chelsea iyo Arsenal finalka tartanka FA Cup, iyadoo qandaraaskiisa kooxda uu kordhiyay ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedka, waxaana lala xiriirinayay inuu u wareegayo midkood kooxaha Arsenal iyo Tottenham Hotspur.

Wareysi uu bixiyay wakiilka Willian ee Kia Joorabchian ayaa waxaa shaaca ka qaaday wargeyska “Daily Mail” waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Wuxuu dalab aad u weyn ka helay horyaalka Mareykanka, labo dalab uu ka helay Premier League, iyo labo dalab kale uu ka helay Yurub”.

“Waxaa go’aan laga gaari doonaa mustaqbalkiisa kaddib koobka FA Cup” ayuu yiri Wakiilka Willian ee Kia Joorabchian.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close