Warbaahinta Talyaaniga oo si xooggan u aaminsan in Lionel Messi uu ku biiri karo Kooxda…

(Milano) 25 Luulyo 2020. Warbaahinta Waddanka Talyaaniga ayaa si xooggan u aaminsan in Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi uu ku biiri doono naadi ka dheesha horyaalka Serie A.

Kooxda Inter ayaa ku riyoonaysa Lionel Messi, waxaana Warbaahinta Talyaaniga ay kalsooni ku qabaa Kooxdan ka ciyaarta horyaalka Serie A ay ka bixi karto lacagaha ku bixi kara howlgalkaan ay ku doonayso xiddiga reer Argentina.

Lambarka 10-aad ee Kooxda Barcelona ayaa heshiiskiisa haatan waxa uu ku eg yahay sanadka 2021-ka, iyadoo wararka ka soo baxaya Dalka Talyaaniga ayaa sheegayaan inuu u wareegi karo kooxda ku ciyaarta maaliyadda midabka Buluug iyo Madow xagaaga soo socda.

Sida uu warinayo Warsidaha La Gazzetta dello Sport, Milkiilaha Shiinaha ee Kooxda Inter ayay ka go’an inuu soo riixo heshiiska uu Messi ugu soo wareegayo garoonka Giuseppe Meazza.

“Waa macquul waana cadceedda oo duhur joogta in Inter ay isku diyaarineyso inay soo gabagabayso raacdada muddada dheer ee Messi,” ayaa ka mid ahaa cinwaannada ay maanta qorayeen qaar ka mid ah Wargeysyada Talyaaniga.

La soo wareegidda Kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa waxa uu sheegay Warsidaha La Gazzetta dello Sport inay tahay mid ka mid ah ujeeddooyinka Inter ay ku doonayso Messi, maadaama ay ka go’an tahay inay ka jawaabaan arrintaas.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close