RASMI: Xavi Hernández oo xaqiijiyey inuu ku dhacay COVID-19, xilli kooxda uu macallinka u yahay ay caawa ciyaareyso

(Doha) 25 Luulyo 2020. Xavi Hernández oo hadda ah macallinka Kooxda kubadda cagta Al Sadd ayaa xaqiijiyey inuu ku dhacay COVID19, isla markaana uu ku jiri doono xaalad karaantiil ah.

Ninka reer Spain ayaa sidoo kale xusay inuu u xiisi doono kooxdiisa oo tartammada kubadda cagta ku soo laabanaysa caawa, iyagoo wajahaya naadiga Al Khor.

Xavi ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray: “Maalmo ka hor, anigoo raacaya barotokoolka QSL, waxaan si wanaagsan isaga tijaabiyey caabuqa, waxaana ugu dambeyn la iga helay COVID-19, nasiib wanaag, waxaan ahay ok, laakiin waxaan ku jirayaa karaantiil illaa inta ay wax waliba kala caddaanayaan, waana soo laaban doonaa marka ay waaxda caafimaadku ii ogolaadaan, waxaan aad u jeclaan lahaa inaan ku laabto shaqadeyda maalinlaha ah”.

Sidoo kale Xavi waxa uu sheegay inuusan awoodi doonin inuu maanta ka soo muuqdo kursigiisa macallinnimo, maadaama ay kooxdiisa dib ugu soo laabanayso ciyaaraha, isagoo intaa ku daray in David Prats iyo shaqaalaha kale ee tababarka ay howsha sii wadi doonaan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close