“Kani waa ciyaaryahankii ugu fiicnaa booskiisa ee aan abid arkay” – Pep Guardiola

(Manchester) 25 Luulyo 2020. Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ammaaney heerarkii wanaagsanaa ee uu ku soo bandhigay xiddiga reer Spain ee David Silva naadiga reer England.

David Silva ayaa ciyaari doona kulankiisa ​​ugu dambeeya ee kooxda Man City, ciyaarta horyaalka Premier League ee Axada soo socota kula ciyaari doonaan Norwich City.

Munaasabadan darteed Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay David Silva, wuxuuna yiri:

Pep Guardiola is inspiring Man City great David Silva's plans for ...

“Marka ay tahay inaad ka ciyaarto qadka dhexe, David Silva waa ciyaaryahanka ugu fiicnaa ee aan ku arkay booskan”.

“Waa ciyaaryahan aad u wanaagsan, wuxuu go’aansaday inuu baxo, wuxuuna sidaas sheegay marar badan, wuxuu doonayaa inuu baxo kaddib muddo dhan 10 sano uu halkan ku qaatay, waxaan rajeyneynaa inuu markale soo laabto”.

“Waxaan rajeyneynaa inaan u qaban karno xaflad sagootin ah, taasoo ah wuxuu isagu mudan yahay” ayuu sii raaciyay hadalkiisa tababare Pep Guardiola.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close