“Ilaalinta Saalax iyo Mané ayaa ah waxa ugu muhiimsan ee suuqa kala iibsiga” – Halyey kooxda Liverpool ah

(Liverpool) 25 Luulyo 2020. Halyeeyga kooxda kubadda cagta Liverpool ee Robbie Fowler ayaa aaminsan in Reds ay sii heysasato xiddigaha Maxamed Saalax iyo Sadio Mané ay tahay arrinta ugu muhiimsan ee suuqa kala iibsiga.

Xiddigaha Maxamed Saalax iyo Sadio Mané ayaa lala xiriirinayaa inay ka tagayaan Liverpool inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ee xagaaga, si ay ugu biiraan kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.

Warsidaha caalamiga ah ee “Goal” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Robbie Fowler, wuxuuna yiri:

Yuu la saftay halyeeygii hore kooxda Liverpool ee Robbie Fowler ...

“Waan hubaa in xiddigaha Sadio Mané, Maxamed Saalax iyo Roberto Firmino lala xiriirinayo ku biirista kooxo kale”.

“Sidaas darteed waxaan qabaa inay tahay arrin u baahan inaan hubino inay nala sii joogayaan, malaha taasi waxay noqon doontaa waxa ugu muhiimsan” ayuu yiri Robbie Fowler.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close