Kasper Schmeichel oo difaacay David de Gea kahor kulanka Leicester City iyo Man United

(England) 24 Luulyo 2020. Goolhaayaha kooxda Leicester City ee Kasper Schmeichel ayaa taageera weyn u muujiyay dhigiisa kooxda Manchester United ee David de Gea.

David de Gea ayaa la kulmay dhaleeceen xoogan maalmihii la soo dhaafay kaddib qaladaad badan uu sameeyay oo kooxdiisa ku hoggaamisay inay la kulanto guuldarro kulamo badan.

Haddaba wargeyska “Daily Mail” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Kasper Schmeichel, kahor kulanka ay kooxaha Leicester City iyo Man United ku wada ciyaari doonaan horyaalka Premier League Axada, wuxuuna yiri:

“Ka ciyaarista doorka shabaq ilaalinta, ma sameyn kartid qaladaad sababtoo ah waa lagu ciqaabi doonaa”.

“David de Gea wali waa goolhaye heer caalami ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Kasper Schmeichel.

“De Gea aad ayuu u fiicnaa sanado badan, goolhaaye kastana waxaa soo mara xilliyo qaab ciyaareedkiisa uu aad u liito”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close