kooxda Manchester City oo dalab ka gudbisay daafaca reer Senegal ee Kalidou Koulibaly

(Manchester) 23 Luulyo 2020. Sida laga soo xigtay wargeyska “Tuttosport” ee dalka Talyaaniga kooxda Manchester City ayaa dalab ka gudbisay xiddiga daafaca uga ciyaara naadiga Napoli ee Kalidou Koulibaly.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in kooxda Manchester City ay miiska u saartay dhigeeda Napoli qiimo dhan 60 million euros.

Dhankiisa milkiilaha kooxda Napoli ee Aurelio De Laurentiis ayaa ka jawaab celiyay dalabka ka yimid Manchester City, wuxuuna codsaday qiimo lacageed dhan 75 million euros si uu u iibiyo daafaca reer Senegal.

Si kastaba ha noqotee, waxay u muuqataa in la gaaray xilliga uu Kalidou Koulibaly ka dhaqaaqi lahaa kooxda Napoli, maadaama ay Manchester City qarka u saaran tahay inay dhameystirto heshiiska, sababa la xiriira in farqiga dalabka ee u dhexeeya labada dhinac uusan sidaas u weyneyn.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close