Kooxda Arsenal oo isbedel ku sameysay tiro ka mid ah Lambarrada xiddigaheeda… (Bukayo Saka oo xiran doona lambarka…)

(London) 23 Luulyo 2020. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa isbedel ku sameysay tiro ka mid ah lambarrada ay u xirtaan xiddigaheeda, waxaana ay lambarka ka bedeshay Bukayo Saka, xilli sidoo kale ay soo bandhigtay maaliyadda ay ku ciyaari doonto kal ciyaareedka soo socda marka ay garoonkeeda joogto.

Bukayo Saka ayaa lambar cusub u xiran doona kooxdiisa Arsenal xilli ciyaareedka soo aaddan ee 2020/21.

Gunners ayaa dhinaca kale website-keeda ku soo bandhigtay maaliyaddeeda cusub ee ay ku dheeli doonto fasal ciyaareedka soo aaddan marka ay mininkeeda joogto, waxaana ka soo muuqatay shirkadda Adidas oo ay heshiis la gashay.

Bukayo Saka ayaa u xiran doona Gunners maaliyadda lambarka 7-aad kal ciyaareedka soo aaddan, halka daafaca dhexe ee cusub Saliba uu isna xiran doona lambarka 4-aad.

ImageImage

Saka ayaa sii wadi doona inuu sii xirnaado lambarkii uu caanka ku ahaa ee 77 kulanka ay Axadda la ciyaarayaan Wafford iyo weliba Final-ka FA Cup-ka.

William Saliba, kaasoo xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyey Arsenal u ciyaari doona xilli ciyaareedka soo aaddan kaddib markii uu dib uga soo laabtay kooxda Saint-Etienne oo uu amaah ku bixiyey ayaa sidoo kale loo gacan geliyey lambarka 4-aad.

Pierre-Emerick Aubameyang, David Luiz and Alexandre Lacazette modelled the new strip

The Adidas kit will be worn all of next season

Fans were thrilled with the new squad numbers

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close