Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos oo dhigay rikoor taariikhi ah oo uusan difaac hore u sameyn!!

(Madrid) 20 Luulyo 2020. Kabtanka kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa jabiyey rikoorka daafaca ugu goolasha badan qarnigaan.

Sergio Ramos ayaa taariikhdaan ku sameeyey goolkii furitaanka ciyaarta ee uu xalay u dhaliyey kooxdiisa Real Madrid kulankoodii ugu dambeeyey ee horyaalka La Liga kal ciyaareedkan.

Waxa uu dhaliyey goolkiisii 11-aad ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan kulankii ay wajaheen Leganes, taasoo ka dhigtay daafaca ugu goolasha badan horyaalka La Liga qarnigaan 21-aad.

Ramos waxa uu ka sare maray daafaca kale ee Mariano Pernia oo rikoorkan horay u haystay qarnigaan, kaasoo wadar ahaan 10 gool u dhaliyey Getafe 15 sano ka hor.

Dhinaca kale tan iyo markii dib loo bilaabay ciyaarista horyaalka La Liga bishii June, Ramos ayaa dhaliyey goolal ka badan inta uu dhaliyey Lionel Messi waana lix gool, taasoo fure u noqotay in kooxdiisa Real Madrid ay ku guuleysato kal ciyaareedkan horyaalka La Liga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close