David Luiz oo shaaca ka qaaday sababta ay Arsenal kaga adkaatay kooxda Man City

(London) 19 Luulyo 2020. Daafaca kooxda kubadda cagta Arsenal ee David Luiz ayaa shaaca ka qaaday sababta ka dambeysay guusha ay xalay kaga gaareen Manchester City tartanka FA Cup.

David Luiz ayaa xalay soo bandhigay kulan weyn, wuxuuna kooxdiisa Arsenal ku hoggaamiyay inay guul muhiim ah kaga gaaraan naadiga Manchester City garoonka Wembley.

Dhinaca kale Kooxda reer London ee Arsenal ayaa xalay iska xaadirisay Final-ka tartanka FA Cup-ka kaddib markii ay guul kaga gaartay Manchester City 2-0, waxaana labada gool ka dhaliyay Pierre-Emerick Aubameyang.

David Luiz ayaa wareysi uu bixiyay ciyaarta kaddib wuxuu ku sheegay:

“Waxaan natiijo fiican ka gaarnay Manchester City oo ah mid ka mid ah kooxaha ugu fiican adduunka”.

“Waxaan ku guuleysanay inaan garaacno Man City, sababtoo ah waxaan ciyaarnay kulan weyn oo qadarin leh, waxaana fahanay qaabka aan ugu soo gudbi leheyn kulankan”.

“Waxaan ka faa’iidaysanay fursadihii aan ku helnay goolka kooxda naga soo horjeeday, waxaana si fiican u fahanay heerka aan gaarnay”.

“Waxaan ku jirnaa qaab wanagsan, iyo tababare cajiib ah ee raba inuu soo bandhigo kubadda ugu fiican ee ugu macquulsan”.

“Waa inaan fahano waxa aan sameyno maalin walba, waxaan sameyneynaa horumar, waana ku faraxsanahay wixii ay kooxdu gaartay illaa iyo haatan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close