Barcelona oo xilli ciyaareedkan guul weyn kaga soo xiratay horyaalka La Liga kaddib markii ay ka adkaatay Deportivo Alaves… +SAWIRRO

(Spain) 19 Luulyo 2020. Barcelona ayaa guul weyn kaga soo xiratay horyaalka La Liga ee dalka Spain kaddib markii ay kaga adkaatay kooxda Deportivo Alaves oo ay ku booqatay Estadio Mendizorroza.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-3 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Barcelona.

Daqiiqadii 24-aad Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 0-1 ka dhigay Ansu Fati.

34 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd Lionel Messi ayaa ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona, waxaana goolkan ka caawiyay Ricard Puig.

Daqiiqadii 44-aad Barcelona ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta kaddib markii uu 0-3 ka dhigay Luis Suarez, iyadoo uu caawinta goolkan uu lahaa Jordi Alba.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 58-aad Barcelona ayaa dhalisay gool, waxaana 0-4 ka dhigay Nelson Semedo, kaddib markii uu caawin ka helay Ricard Puig.

75 daqiiqo Lionel Messi ayaa soo gaba-gabeeyay bandhiga goolasha kooxda Barcelona ee kulankanl wuxuuna ka dhigay 0-5, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Jordi Alba.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 0-5 ay kaga adkaatay Barcelona kooxda Deportivo Alaves oo ay ku booqatay Estadio Mendizorroza.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close