RASMI: Liiska xiddigaha Kooxda Real Madrid kaga qeyb-galaya kulanka Leganes oo la shaaciyey & Bale oo gabi ahaan laga saaray

(Madrid) 18 Luulyo 2020. Waxaa la shaaciyey liiska xiddigaha kooxda Real Madrid uga qeyb-galaya kulanka Leganes ee habeen dambe, waxaana gabi ahaanba laga saaray Bale.

Gareth Bale ayaa gabi ahaanba ka maqan shaxda kooxda Real Madrid ee kulankeeda ugu dambeeya horyaalka La Liga kal ciyaareedkan 2019/20, kaasoo ay u safrayaan Leganes.

Xiddiga reer Walesh ayaan ku lug yeelan doonin kulanka habeen dambe, waxaana uu ahaa mid kursiga keydka ku jiray lixdii kulan ee ugu dambeeyey.

Zinedine Zidane ayaa sidoo kale u safraya Koonfurta caasimadda Spain isagoo aan haysan Marcelo, kaasoo dhaawacan iyo James Rodriguez kaasoo aan ku jirin shaxda saddexdii kulan ee la soo dhaafay.

Image

Liiska xiddigaha Real Madrid uga qeyb-galaya kulanka Leganes oo dhammaystiran:-

Goolhayeyaasha: Thibaut Courtois, Alphonse Areola, Diego Altube.

Daafacyada: Dani Carvajal, Eder Militao, Sergio Ramos, Raphael Varane, Nacho Fernandez, Ferland Mendy.

Khadkad dhexe: Toni Kroos, Luka Modric, Casemiro, Fede Valverde, Isco.

Weerarka: Karim Benzema, Lucas Vazquez, Luka Jovic, Marco Asensio, Brahim Diaz, Mariano Diaz, Vinicius Junior, Rodrygo Goes.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close