Jürgen Klopp oo shaaca ka qaaday xilliga uu ka tagayo kooxda Liverpool

(Liverpool) 13 Luulyo 2020. Tababare Jürgen Klopp ayaa ka dhawaajiyay hadalo cusub, wuxuuna markale sheegay, inuu ka fiirsan doono shaqadiisa tababarka, taasoo muujineysa inuusan qorsheyneynin inuu qandaraas kale saxiixo, kaddib marka uu ka tago Reds.

Heshiiska uu Jürgen Klopp ku joogo kooxda Liverpool ayaa kaga harsan 4 sano kale, laakiin macalinka reer Germany ayaa dhowr jeer ee horey tilmaamay inuusan qorsheeneynin inuu qandaraas kale u saxiixo kooxda heysata horyaalka Premier League.

Wargeyska “Mirror” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay tababare Jürgen Klopp waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxaan la joogi doonaa kooxda Liverpool ilaa dhamaadka qandaraaskeyga sannadka 2024, intaas kaddib waxaan ku laaban doonaa Jarmalka, waxaan qaadan doonaa fasax sanad ah, waxaana laga yaabaa inaan gabi ahaanba ciyaaraha ka fariisto”.

“Waxaa laga yaabaa markii ugu horeysay inaan awood u yeesho inaan qabto waxa aan doonayo inaan sameeyo, waxaa laga yaabaa inaan qabto shaqada tababarka koox ama xul qaran, ama laga yaabee inaan waxba qaban haba yaraatee, laakiin 5 sano gudahood adduunka wuxuu u muuqan karaa mid gebi ahaanba ka duwan sidii hore”.

Si kastaba ka noqotee, tababare Jürgen Klopp ayaa ku hoggaamiyay kooxda Liverpool inay ku guuleysato tartamada Champions League, UEFA Super Cup Club World Cup, iyo Premier League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close