Ciyaaryahan ka tirsan mid ka mid ah Kooxaha waa weyn ee horyaalka Premier League oo walaalkiisa toogasho lagu dilay

(London) 13 Luulyo 2020. Sida goordhow la xaqiijiyey ciyaaryahan ka tirsan mid ka mid ah kooxaha waa weyn ee horyaalka Premier League ayaa walaalkiis toogasho lagu dilay.

Ciyaaryahanka Kooxda Tottenha ee Serge Aurier ayaa walaalkiis toogasho lagu dilay isagoo ku sugay Waddanka Faransiiska saacadihii hore ee Saaka oo Isniin ahayd.

Serge Aurier walaalkiis ayaa saakay oo Isniin ah la toogay isagoo ku suganaa Magaalada Toulouse ee Waddanka Faransiiska, sida ay kooxda Tottenham xaqiijisay goordhow.

Wararka laga helayo dalka Faransiiska ayaa intaa ku daraya in Aurier walaalkiisa Christopher caloosha rasaas looga dhiftay isagoo ku sugnaa bannaanka hore ee Baar lagu caweeyo (nightclub).

Tottenham player Serge Aurier's brother shot dead in France - AS.com

Christopher Aurier ayaa loola cararay Isbitaalka, laakiin markii dambe waxaa la xaqiijiyey inuu geeriyooday.

Waxaa la sheegay in shaqsiga la tumayo inuu falkan ka dambeeyey uu wali baxsad ka yahay Booliska.

Booliska ayaa loo yeeray kaddib markii ay toogashadu dhacday, waxaana ay xireen goobta uu falku ka dhacay, halka ay baaritaannada arrintan la xiriira ay weli socdaan.

Waxaa la shaacay in shilku ka dhacay 5:00 aroornimo The Boulevard de Thibaud.

Kooxda Tottenham ayaa xaqiijisay saaka oo Isniin ah in shaqsiga la dilay uu yahay Aurier walaalkiis.

Kooxda Tottenham barteeda rasmiga ah ee Twitter-ka ayaa lagu soo qoray: “Kooxda waa mid aad uga murugeysan inay warbaahinta u xaqiijiso in Serge Aurier walaalkiis uu dhintay saacadihii hore ee Saaka.

“Qof walba oo Naadiga ka mid ah wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Serge iyo qoyskiisa, fikradeheenna dhammaan waa ay idinla jiraan”

Christopher Aurier ayaa sidoo kale ahaa ciyaaryahan ciyaara kubadda cagta, laakiin waxa ay kaliya ahayd hiwaayadiisa.

Waxa uu soo maray safka RC Lens, laakiin kama dhigin xirfadle sare.

Kooxdiisii ugu dambeysay waxa ay ahayd kooxda heerka shanaad ee Faransiiska, Toulouse Rodeo.

Shilkan ayaa dhacay saacado yar kaddib markii Aurier kooxdiisa Tottenham ay 2-1 ku garaacday Arsenal kulankii North London Derby.

Tottenham news

Aurier ayaa ku soo biiray Tottenham sanadkii 2017-kii, waxaana uu ka soo dhaqaaqay naadiga PSG ee ka dhisan caasimadda Faransiiska.

Daafacan 27-sano jirka ah ayaa 54 kulan oo horyaalka Premier League ah u saftay Kooxda Spurs.

Aurier ayaa sidoo kale guulo la gaaray xulkiisa qaranka Ivory Coast, waxaana daafacan garabka midig uu u saftay dalkiisa 62 kulan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close