“Waan dagaalami doonaa ilaa iyo dhamaadka” – Cristiano Ronaldo

(Turin) 12 Luulyo 2020. Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa ka hadlay barbarihii ay xalay la galeen naadiga Atalanta, ciyaar qeyb ka aheyd kulamadii 32-aad ee horyaalka Talyaaniga, kaasoo ku soo idlaaday barbaro 2-2 ah.
Cristiano Ronaldo ayaa u dhaliyay 2 gool rigoore ah kooxdiisa Juventus, wuxuuna ka badbaadiyay guuldarro ka soo gaari laheyn naadiga Atalanta.
Haddaba kulanka kaddib ayuu Cristiano Ronaldo ku soo qoray boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ku soo qoray:
“Waa ciyaar adag, balse waa hal dhibic muhiim ah, waxaan sii wadi doonaa dagaalka ilaa dhamaadka”. ayuu yiri xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo.
Gool FM.