“Lionel Messi wuxuu u baahan yahay nasiino” – Quique Setien

(Barcelona) 12 Luulyo 2020. Lionel Messi ayaa u baahan nasiino sida uu qabo hoggaamiyaha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Quique Setien.

Kabtanka Kooxda Barcelona ayaa ku dhibtooday inuu dib u helo qaab ciyaareedkiisii wacnaa tan iyo markii dib loo bilaabay ciyaarista horyaalka La Liga Santander.

Gooldhalintiisii ayaa yaraatay, goysmadiisii waa ay yaraatay, sidoo kale cadaadiskii uu saari jiray xiddigaha ka soo horjeeda ayaa iyana yaraatay tan iyo markii ciyaaraha Spain lagu soo laabtay.

Haddaba, kaddib guushii ay Blaugrana ka gaartay Real Valladolid ayaa Tababare Quique Setien la weydiiyay bal in Messi nasasho u baahan yahay.

“Haa dabcan” ayuu ku jawaab celiyey macallinka Barcelona ee Quique Setien.

“Hore ayaan u sheegay, laakiin gooldhalinta aad ayay u adkeyd.”

“Haddii aan goolal badan dhalin lahayn qeybtii hore, malaha ciyaartoy badan ayaa la nasin lahaa.”

Messi waxa uu dhaliyay saddex gool tan iyo markii xilli ciyaareedka dib loo bilaabay, iyadoo labo ka mid ah goolashaas ay ku yimaadeen rigoore ama gool ku laad.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close