DEG DEG: Isku aadka wareegga Siddeeda ee tartanka UEFA Champions League oo la sameeyey

(Neon) 10 Luulyo 2020. Waxaa goordhow la sameeyey isku aadka wareegga Siddeeda ee tartanka UEFA Champions League, iyadoo ay ka soo baxeen kulamo waa weyn.

Kooxda ugu guulaha badan ee tartankan ee Real Madrid ama Man City tii soo baxda ayaa waxay soo dhaweyn doontaa Juventus aman Lyon midi iyadana soo gudubta.

Kooxaha Napoli ama Barcelona tii soo baxda ayaa waxay soo dhaweyn doontaa Bayern Munich ama Chelsea.

Isku aadka wareegga Siddeeda oo dhammaystiran halkaan hoose ka eeg:-

Real Madrid/Man City Kooxda vs Juventus/Lyon.

Napoli/Barcelona vs Bayern Munich/Chelsea.

RB Leipzing vs Atletico Madrid.

Atalanta vs Paris St-Gemrain

Image

Siddee loo ciyaari doonaa Wareega Afarta ee tartanka Champions League?

Real Madrid/Man City vs Juventus Lyon kooxda soo baxda ayaa ku dhici doonta tii soo baxdaa Bayern/Chelsea vs Barcelona/Napoli.

Leipzig vs Atletico Madrid  kooxda soo baxda ayaa ku dhici doonta tii soo PSG vs Atlanta

Goormee la ciyaari doonaa qaabkeese loo ciyaari doonaa wareegga Siddeeda Champions League?:-

Kulamada siddeed dhamaadka oo hal lug kaliya la ciyaari doono, ayaa la dheeli doonaa inta u dhexeysa 12-ka iyo 15-ka August.

Halka afar dhamaadka la ciyaari doono 18-ka iyo 19-ka, iyadoo 23-ka isla bishaas ay ciyaari doonaan labada kooxood ee isugu soo harta kulanka finalka.

Image

Sidoo kale kulamadii ka harsanaa wareega 16-ka  ee tartanka UEFA Champions League ayaa la dheeli doonaa 7-da iyo 8-da bisha August.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close