Kahor kulanka Deportivo Alaves, Zidane oo ka hadlay xaalada dhaawac ee Eden Hazard

(Madrid) 09 Luulyo 2020. Tababare Zinedine Zidane ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday kahor kulanka Deportivo Alaves, wuxuu kaga hadlay dhowr arrimood ee quseeya kooxdiisa kubadda cagta ee Real Madrid.

Kooxda Real Madrid ayaa waxay habeen dambe ku soo dhaweyn doontaa naadiga Deportivo Alaves garoonka Alfredo Di Stefano, si ay u wada ciyaaraan kulan qeyb ka ah horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Haddaba waxyaabaha uu kaga hadlay Zinedine Zidane shirkan jaraa’id, waxaa ka mid ahaa xaalada dhaawac ee Eden Hazard, wuxuuna yiri:

“Hazard ma uusan ku soo laabanin dhaawac, kaliya waxa uu dareemay xanaaq (waxa uu ula jeedaa murqo xanuun), si dabiici ayuu tababarka u qaatay”.

“Wuxuu rajeynaya inuu nagala qeyb qaato afarta kulan ee haray iyo tartanka Champions League”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close