Muxuu ka yiri Cristiano Ronaldo guuldarradii xalay ay kala kulmeen kooxda AC Milan??

(Milano) 08 Luulyo 2020. Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa muujiyay sida uu kaga xun yahay guuldarradii ay xalay kala kulmeen naadiga AC Milan.

Kooxda kubadda cagta AC Milan ayaa xalay guul weyn oo ay u qalantay ka gaartay Juventus oo marti u ahayd, isla markaana la horreysay labo gool, kulan lix gool la iska dhaliyey qeybta labaad ee ciyaarta.

Haddaba ciyaarta kaddib Cristiano Ronaldo ayaa wuxuu boggiisa rasmiga ah ee “Instagram” uu ku soo qoray:

“Ma ahayn natiijadii aan dooneynay inaan gaarno, laakiin waa inaan madaxa kor u qaadno oo aan sii wadnaa shaqada”.

Si kastaba ha noqotee, Cristiano Ronaldo oo xalay ku guuleystay in kooxdiisa Juventus uu u dhaliyo goolkii labaad ee ciyaarta ayaa gaaray goolkiisii 26-aad horyaalka Talyaaniga ee xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Portugal ayaa hadda 3 gool oo kaliya u jira weeraryahanka kooxda Lazio ee Ciro Immobile oo hoggaaminaya gool dhalinta horyalka Serie A ee dalka Talyaaniga xilli ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close