RASMI: Liiska xiddigaha Kooxda Barcelona ay habeen dambe kala hortagayso Espanyol oo la shaaciyey… (MSG oo hoggaaminaya & Firpo oo maqan)

(Barcelona) 07 Luulyo 2020. Waxaa goordhow la shaaciyey liiska xiddigaha ay Kooxda Barcelona habeen dambe kala hortagayso naadiga Espanyol, waxaana ka maqan Firpo.

Barcelona 23-ka ciyaaryahan ee ay ku dhawaaqday kuwaasoo ay ku wajahayso Espanyol, waaana ka maqan Firpo oo dhaawacan, iyadoo weli uu liiskan ku jiro Arthur.

Weeraryahannada MSG ee Messi, Suarez iyo Griezmann ayaa hoggaaminaya liiskan ay Barcelona u diyaarsatay kulanka habeen dambe ee Espanyol.

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in Firpo uu kulankan ku seegayo dhaawac misigta midig ka soo gaaray.

Image

Shaxda Kooxda Barcelona ay shaacisay oo dhammaystiran:-

Goolhayeyaasha: Ter Stegen, Neto, Pena

Daafacyada: Semedo, Pique, Lenglet, Araujo, Alba, Morer, Roberto, Cuenca

Khadka dhexe: Rakitic, Busquets, Arthur, Vidal, Puig, Collado, Monchu

Weerarka: Suarez, Messi, Griezmann, Braithwaite, Fati.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close