Massimiliano Allegri oo saadaaliyay mustaqbalka Cristiano Ronaldo ee kooxda Juventus

(Yurub) 06 Luulyo 2020. Macalinkii hore kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri ayaa saadaaliyay mustaqbalka xiddigga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ee naadiga Bianconeri.

Massimiliano Allegri ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Marca” ee dalka Spain wuxuu kaga hadlay mustaqbalka Cristiano Ronaldo, wuxuuna yiri:

“Cristiano Ronaldo wuxuu sii joogi doonaa Juventus sanado badan”.

Intaas kaddib Massimiliano Allegri ayaa wuxuu si cad kaga hadlay in Real Madrid ay xiriir la soo sameysay wuxuuna yiri:

“Laba sano ka hor Real Madrid waxay ila soo sameysay xiriir, xilligaas waxaan hehsiis kula jiray kooxda Juventus, intaas waxaa sii dheer, waxaan dareemay dadaalka iyo daacadnimada kooxda iyo taageerayaasha Juventus” ayuu yiri Allegri.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close