Kooxda Manchester United oo bedelka Jadon Sancho ka dhex aragta horyaalka Premier League

(Manchester) 06 Luulyo 2020. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay bedelka ciyaaryahan Jadon Sancho ka dhex aragto horyaalka Ingiriiska ee Premier League.

Man United ayaa sida wararku ay sheegayaan ka fikireysa inay soo qaadato Adama Traore, kaasoo ay u aragto bedelka ciyaaryahanka ay sida weyn u doonaysay saxiixiisa ee Sancho.

Jariiradda Daily Star ayaa warinaysa inay kooxda Manchester United ay qorsheynayso inay u dhaqaaqdo xiddiga garabka uga ciyaara Naadiga Wolves ee Adama Traore, kaasoo ay u aragto bedelka Jadon Sancho.

Man Utd ký nhanh Traore, Juventus mua Emerson

Red Devils ayaa si xoog leh loola xiriirinayey Weeraryahanka Naadiga Borussia Dortmund ee Jadon Sancho, laakiin laacibka ka tirsan kooxda kala dhisan horyaalka Premier League ee Adama ayay u aragtaa mid ka raqiisan xiddiga xulka qaranka England ee Sancho.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close