Frank Lampard oo shaaca ka qaaday farqiga u dhaxeeya Christian Pulisic iyo Eden Hazard

(London) 06 Luulyo 2020. Tababaraha kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa shaaca ka qaaday farqiga u dhaxeeya xiddigaha Christian Pulisic iyo Eden Hazard.

Frank Lampard ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday kahor kulanka habeen dambe Crystal Palace ee horyaalka Premier League, wuxuu kaga hadlay farqiga u dhaxeeya Pulisic iyo Hazard wuxuuna yiri:

“Hazard wuxuu lahaa hibo gaar ah, madaama uu awood u lahaa inuu kubadda heysto isla markaana uu muujiyo dheelitirnaan weyn iyo inuu dhaafo ciyaartoyda”.

Christian Pulisic not quite Eden Hazard – but he's getting there ...

“Hazard ma aheyn anaani, wuxuu goolal ka caawin jiray saaxiibadiis”.

“Halka Christian Pulisic uu si toos ah u wajaho goolka mararka qaarkood, qaabka loo dhaafo ciyaartoyda iyo sida kubadda loola cararo, waa waxaan aad ugu jecleystay”.

Pulisic wuxuu leeyahay awood weyn uu horey ugu socon karo, taasoo faa’iido weyn u leh qaab loo ciyaaro casrigan”.

“Eden Hazard wuxuu joogay halkan wax badan ayuuna ka qabtay, wuxuuna ku soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah, halka Pulisic uu heysto awood ku filan uu ku sameyn karo isbadel dhab ah muddo waqti ah”.

“Waxa kaliya ee i farxad galinaya ayaa ah inuu na caawiyo marka aan la kulano koox adag, wuxuuna dusha u ritaa mas’uuliyada oo dhan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close