Barcelona oo doonaysa inay lacag kaash ah ku iibiso laacibkeeda khadka dhexe ee Ivan Rakitic

(Barcelona) 06 Luulyo 2020. Kooxda kubadda cagta Barcelona ee ka dhisan dalka Spain ayaa diyaar u ah inay lacag kaash ah ku iibiso laacibkeeda khadka dhexe ee Ivan Rakitic.

Wargeyska SPORT ee ka soo baxa dalka Spain ayaa warinaya in kooxda Barcelona ay doonayso inay iibiso Ivan Rakitic ka hor inta uusan noqon beeca xorta ah sanadka 2021-ka.

Xiddiga xulka qaranka Croatia ayaa isha ku haya inuu dhammaado qandaraaskiisa haatan si uu kaga huleelo garoonka Camp Nou, laakiin Blaugrana ayaa dooneysa inay iibiso suuqa kala iibsiga ee xagaaga.

Dib ugu laabashada Kooxda Sevilla ee Rakitic ayaa lagu xamanayaa inay macquul tahay, waxaana xiddigan uu kaliya 14 kulan oo horyaalka La Liga ah u saftay Barcelona xilli ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close