Real Madrid oo guul ay u baahneyd ka soo qaadatay Athletic Bilbao, xilli 7 dhibcood ay kaga qabatay hoggaanka kooxda Barcelona… +SAWIRRO

(Spain) 05 Luulyo 2020. Real Madrid ayaa saddexda dhibcood kaga soo qaadatay Athletic Bilbao garoonka San Mames oo ay ku booqatay, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro 0-0 ah ay ku kala mareen labada kooxood ee Athletic Bilbao iyo Real Madrid.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 73-aad kooxda Real Madrid ayaa loo dhigay rigoore kaddib markii qalad lagu galay Marcelo, waxaana gool u badalay Sergio Ramos, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 0-1 ay ku hoggaamineysay Los Blancos.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 0-1 ay kaga adkaatay  Real Madrid kooxda Athletic Bilbao oo ay ku booqatay garoonka San Mames, xilli Los Blancos ay hoggaanka horyaalka La Liga ku sii qabatay 7 dhibcood.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close