RASMI: Kooxda Barcelona oo xaqiijisay in mid ka mid ah xiddigeheeda uu seegi doono kulanka caawa ee Villarreal

(Villarreal) 05 Luulyo 2020. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa xaqiijisay in ciyaaryahankeeda Firpo uu xanuun ka dareemayo dhaawac ka so gaaray sinta midig, isla markaana uu seegi doono kulanka ay caawa la leeyihiin Naadiga Villarreal.

Kooxda Barcelona ayaa horraan xaqiijisay 24-ka ciyaaryahan ee ay kala qeyb galayso kulanka Villarreal, dhaawaca Firpo ayaana ka dhigan in Alba uu yahay kaliya daafaca garabka bidix ee uu kulankan haysto tababare Setien.

Samuel Umtiti ayaa dhaawac cusub ka soo gaaray jilibka, taasoo jahawareerka ku sii badinaysa Kooxda Barca.

Sergi Roberto ayaa taam u noqon doona inuu ka ciyaaro daafaca midig ka hor Nelson Semedo kulankan ay bartida tahay Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close