Liverpool oo garoonkeeda Anfield guul muhiim ah kaga gaartay kooxda Aston Villa… +SAWIRRO

(England) 05 Luulyo 2020. Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield guul muhiim ah kaga gaartay kooxda Aston Villa, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League ee dalka England.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro 0-0 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Liverpool iyo Aston Villa.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 71-aad kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, kaddib markii uu 1-0 ka dhigay xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Naby Keita

Daqiiqadii 90-aad Liverpool ayaa daqiiqadii 90-aad heshay gool labaad, waxaana 2-0 ka dhigay Curtis Jones, waxaana goolkan ka caawiyay Mohamed Salah.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 2-0 ay kaga adkaatay Liverpool kooxda Aston Villa oo marti ugu aheyd garoonka Anfield.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close