Horudhac: Villarreal vs Barcelona… (Blaugrana oo doonaysa inay soo nooleyso rajadeeda ku guuleysiga horyaalka La Liga, soona yareyso farqiga dhibcaha ay ka sarreyso Real Madrid)

(Villarreal) 05 Luulyo 2020.  Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa eegeysa inay soo nooleyso rajadeeda ay ku doonayso inay ku guuleysato horyaalka La Liga Spain marka ay u safrayaan caawa naadiga Villarreal.

Barca ayaa u baahan inay ka fogaato inay dhibco lumiso kulammada u haray haatan, isla markaana ay ugu yaraan labo kulan la garaaco kooxda Real Madrid si ay u hanato horyaalka Spain.

Kooxda haysata horyaalka La Liga ayaa ka hor kulankeeda caawa waxaa hoggaanka horyaalka ay Real Madrid uga qaban kartaa 7 dhibcood.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Taariikhda: Axad 05 Luulyo 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Estadio de la Ceramica

Garsooraha: Carlos del Cerro (Spain)

Wararka Kooxaha:-

Villarreal

Vicente Iborra ayaa taam noqday kaddib dhaawac yar oo soo gaaray, waxaana la filayaa inuu ku soo bilowdo khadka dhexe ee kooxda Villarreal.

Mario waa inuu garabka midig uga ciyaaraa kooxda martida loo yahay, isagoo ka horreyn doona Ruben Pena, iyadoo Javi Calleja isku dayo inuu u wareego meeshii suurtogal ah.

Santi Cazorla iyo Samu Chukwueze ayaa la filayaa inay yimaadaan aagagga balaaran ee Submarine Yellow, halka Paco Alcacer ay tahay inuu ku soo laabto afka hore.

Barcelona

Samuel Umtiti ayaa dhaawac cusub ka soo gaaray jilibka, taasoo jahawareerka ku badinaysa kooxda Barcelona.

Sergi Roberto ayaa taam u noqon kara kooxda martida ah, waxaana uu ka soo muuqan karaa booska daafaca midig isagoo ka horreyn doona Nelson Semedo.

Antoine Griezmann ayaa la filayaa inuu weerarka Barca ku soo bilowdo kaddib markii keydka la dhigay kulankii ay ka horjeedeen kooxdiisii hore ee Atletico Madrid.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

>- Kooxda Barcelona ayaan la garaacin 23-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay la ciyaareen Villarreal tartammada oo dhan.

>- Barcelona ayaa laga dhaliyey ugu yarana labo gool lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday Kooxda Villarreal tartammada oo dhan.

>- Villarreal ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay shan ka mid ah lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Liga.

>- Kooxda Villarreal ayaa guuleysatay shank a mid ah lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay dheeshay horyaalka La Liga.

>- Barcelona ayaan laga adkaanin todobadeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Liga.

>- Kooxda Villarreal ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Liga.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close