Barcelona oo guul ay u qalantay ka soo gaartay kooxda Villarreal… +SAWIRRO

(Spain) 06 Luulyo 2020. Barcelona ayaa guul ay u qalantay ka soo gaartay kooxda Villarreal oo ay ku booqatay Estadio de la Ceramica, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-4, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 1-3 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.

Daqiiqadii 3-aad kooxda Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, kaddib markii uu gool iska dhaliyay xiddiga naadiga Villarreal ee Pau Torres.

Laakiin daqiiqadii 14-aad kooxda Villarreal ayaa heshay goolka barbaraha waxaana 1-1 ka dhigay Gerard Moreno.

Daqiiqadii 20-aad Barcelona ayaa markale la wareegtay hoggaanka ciyaarta, kaaddib markii uu Luis Suarez ka dhigay 1-2, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Lionel Messi.

ALLA MUXUU GOOL CAJIIB AH AHAA.. daqiiqadii 45-aad Antoine Griezmann ayaa dheesha ka dhigay 1-3 kaddib markii uu dhaliyay gool il qabad leh oo cajiib ah, waxaana si qurux badan kaga caawiyay Lionel Messi.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 86-aad kooxda Barcelona ayaa sii dheereysatay hoggaanka ciyaarta waxaana 1-4 ka digay Ansu Fati, iyadoo uu goolkan ka caawiyay Jordi Alba.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 1-4 ay kaga soo adkaatay Barcelona kooxda Villarreal oo ay ku booqatay Estadio de la Ceramica, Blaugrana ayaana farqigii 7-da dhibcood ahaa ee u dhexeeyay iyaga Real Madrid ku soo yareysay 4 dhibcood.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close