RASMI: Liiska xiddigaha Kooxda Real Madrid ay kala qeyb galayso kulanka Athletic oo lagu dhawaaqay & Hazard oo hoggaaminaya xiddigaha ka maqan

(Bilbao) 04 Luulyo 2020. Waxaa la shaaciyey liiska xiddigaha Kooxda Real Madrid ay kala qeyb galayso kulanka berri galab Bilbao ay la leedahay Athletic ee horyaalka La Liga, iyadoo xiddigaha ka maqan uu hoggaaminayo Eden Hazard.

Kooxda Real Madrid waxa ay goordhow xaqiijisay 23-keeda ciyaaryahan ee uga qeyb galaya kulaka ay booqanayso naadiga Athletic, iyadoo ay ka maqan yihiin James, Varane, Nacho iyo Hazard.

Tababarkii ay maanta sameysay kooxda Tababare Zidane ee ka hor kulanka Athletic waxaa seegay Nacho, Varane iyo Hazard, taasoo ka dhigan inaysan kulankan ka qeyb geli doonin.

Image

Liiska xiddigaha kooxda Real Madrid ay ku wajahayso Athletic oo dhammaystiran:-

Goolhayeyaasha: Courtois, Areola, Altube.

Daafacyada: Carvajal, Militao, Ramos, Marcelo, Mendy, Javi Hernandez.

Khadka Dhexe: Kroos, Modric, Casemiro, Valverde, Isco.

Weerarka: Benzema, Bale, Lucas Vazquez, Jovic, Asensio, Brahim, Mariano, Vinicius, Rodrygo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close