Manchester United oo garoonkeeda Old Trafford ugu awood sheegatay kooxda Bournemouth… +SAWIRRO

(Manchester) 04 Luulyo 2020. Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford ugu awood sheegatay kooxda Bournemouth, kaddib markii ay kaga adkaatay 5-2 kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League ee dalka England.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 3-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester United.
Daqiiqadii 16-aad kooxda Bournemouth ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay Junior Stanislas.
Laakiin daqiiqadii 29-aad kooxda Manchester United ayaa heshay goolka bar-bardhaca, kaddib markii uu 1-1 Mason Greenwood iyadoo caawinta goolkan uu lahaa Bruno Fernandes.
Daqiiqadii 35-aad Manchester United ayaa heshay rigoore waxaana gool ka dhigay Marcus Rashford, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 2-1.
Alla Muxuu gool ahaa, 45 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd Anthony Martial ayaa hoggaanka u dheereeyay kooxdiisa Manchester United, kaddib markii uu gool qurux badan ka dhaliyay naadiga Bournemouth, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 3-1.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 50-aad Bournemouth ayaa heshay rigoore waxaana gool u badelay Joshua King, waxayna ciyaarta sidaas ku noqotay 3-2.
Balse daqiiqadii 54-aad Manchester United ayaa la timid gool, kaddib markii uu dheesha ka dhigay 4-2 Mason Greenwood, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Nemanja Matic.
Bruno Fernandes ayaa dhaliyay laadka xurta ee cajiib ah daqiiqadii 59-aad, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 5-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester United.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 5-2 ay kaga adkaatay Manchester United kooxda Bournemouth oo marti ugu aheyd garoonka Old Trafford.
SAWIRRO:
Gool FM.