Juventus oo guul ay u qalantay ka gaartay kooxda Torino xilli Ronaldo iyo Dybala ay markale shabaqa gaareen… +SAWIRRO

(Turino) 04 Luulyo 2020. Juventus ayaa guul ay u qalantay kaga gaartay kooxda Torino kulankii Derby della Mole, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-1, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 2-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Juventus.
Daqiiqadii 3-aad Juventus ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay xiddiga reer Argantina ee Paulo Dybala, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Juan Cuadrado.
Daqiiqadii 29-aad Juventus ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta kaddib markii uu 2-0 ka dhigay Juan Cuadrado, waxaana goolkan ka caawiyay Cristiano Ronaldo.
Kooxda Torino ayaa heshay rigoore daqiiqadii 45-aad, waxaana gool ka dhigay Andrea Belotti, ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay 2-1.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 61-aad Cristiano Ronaldo ayaa ciyaarta ka dhigay 3-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Juventus, kaddib markii uu dhaliyay laadka xurta ee aad u qurux badan.
87 daqiiqo xiddiga kooxda Torino ee Koffi Djidji ayaa gool iska dhaliyay dheesha ayaana sidaas ku noqotay 4-1 ay ku hor kaceysay Juventus.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 4-1 ay kaga adkaatay Juventus kooxda Torino oo marti ugu aheyd garoonka Allianz Stadium.
SAWIRRO:
Gool FM.