Arsenal oo guul ka soo heshay kooxda Wolverhampton oo ay ku booqatay Molineux Stadium … +SAWIRRO

(England) 04 Luulyo 2020. Arsenal ayaa guul ka soo heshay kooxda Wolverhampton oo ay marti ugu noqotey garoonka Molineux Stadium, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-2, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League ee dalka England,
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Arsenal.
Daqiiqadii 43-aad Gunners ayaa hoggaanka u qabatay dheesha, waxaana 0-1 ka dhigay Bukayo Saka.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 86-aad kooxda Arsenal ayaa la timid goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaana 0-2 ka dhigay Alexandre Lacazette, kaddib markii uu caawin ka helay Joseph Willock.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 0-2 ay ku adkaatay kooxda Arsenal oo marti ugu aheyd Wolverhampton garoonka Molineux Stadium.
SAWIRRO:
Gool FM.