RASMI: Bayern Munich oo ku dhawaaqday inay la saxiixatay Leroy Sané

(Munich) 03 Luuliyo 2020. Kooxda Bayern Munich ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday maanta oo Jimco ah, inay la saxiixatay xiddiga reer Germany iyo naadiga Manchester City ee Leroy Sané.

War rasmi ah ee lagu daabacay website-ka kooxda Bayern Munich ayaa lagu sheegay in Leroy Sané uu u saxiixay Bayern heshiis 5 sano ah ee gaaraya ilaa iyo 30-ka June 2025.

Kooxda reer Germany ayaa xaqiijisay in Leroy Sané uu bilaabi doono isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee kooxda Bayern Munich laga bilaabo Isbuuca soo socda.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in qiimaha heshiiska u dhexeeya kooxaha Bayern Munich iyo Manchester City uu gaarayo 50 milyan euro.

Waxaa intaas la sii raaciyay in laacibka reer Germany uu sanadkii mushaar ahaan kaga heli doono Kooxda Bayern Munich qiimo dhan 17 million euros.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close