Muxuu ka yiri tababare Pep Guardiola guushii ay xalay ka gaareen kooxda Liverpool??

(Manchester) 03 Luuliyo 2020. Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa qirtay in Liverpool ay tahay kooxdii ugu fiicneyd ee uu ka horyimid waayihiisii ​​tababarenimo.

Dhinaca kale Pep Guardiola ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in xiddigihiisa ay ku hor sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican kooxda ku guuleysatay horyaalka Premier League ee Liverpool.

Manchester City ayaa si raaxo leh saddexda dhibcood kaga qaadatay Liverpool Etihad Stadium, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-0, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League ee dalka England.

Haddaba Pep Guardiola ayaa ciyaarta kaddib u sheegay warbaahinta:

“Waxaan ciyaarnay ciyaar aad u wanaagsan aad ayaan u faraxsanahay, waan ka adkaanay kooxda ku guuleysatay horyaalka, waxaan u ciyaarnay si geesinimo leh iyagana sidoo kale”.

“Waan jeclahay kulan kasta oo kooxdeyda ah, waxaan isku daynay inaan halis galino, laakiin Liverpool waxay sameeneysay cadaadis xoogan, waa kooxdii ugu fiicneyd ee aan wajahay” ayuu yiri tababare Pep Guardiola.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close