Jurgen Klopp oo qiray awooda kooxda Man City kaddib guuldarradii ay xalay kala kulmeen

(England) 03 Luuliyo 2020. Tababaraha kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa muujiyay sida uu kaga xun yahay guuldarradii xalay ka soo gaartay Manchester City, ciyaartii ka tirsaneyd kulamada 33-aad ee horyaalka Premier League.

Manchester City ayaa si raaxo leh saddexda dhibcood kaga qaadatay Liverpool Etihad Stadium, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-0, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League ee dalka England.

Wargeyska “Manchester Evening News” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay tababare Jürgen Klopp kaddib ciyaarta , waxaana uu yiri:

“Haddii ay jirto koox awood u leh inay sidaan oo kale inoo burburiso, waxay u badan tahay inay tahay Manchester City”.

“Waan soo laaban doonaa mar labaad, oo si wanaagsan ayaan u qaban doonaa waxyaabaha qaar”.

“Waxaa jiray waqtiyo aan ku dhawaanay inaan wax uun ka qabano ciyaarta, laakiin City ayaa ka faa’ideysatay qaladaadkeena, anaguna kama faa’iideysan qaladaadkooda”.

“Waxaan u maleynayaa in Manchester City dhamaan kulamadeeda ay aheyd mid fantastik ah, xitaa kulamadii ay soo guuldarreysatay”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close