Idaacada Cadena SER oo sheegtay hadal layaab leh ee ku saabsan mustaqbalka Lionel Messi

(Spain) 03 Luuliyo 2020. Idaacada “Cadena SER” ee dalka Spain ayaa sheegtay hadal layaab leh isla markaana niyadjab weyn ku ah taageerayaasha kooxda Barcelona, kaddib markii ay shaacisay in Lionel Messi uu go’aansaday inuu ka tago Barca.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Lionel Messi uu joojiyay wada hadaladii uu ku cusbooneysiin lahaa qandaraaskiisa kooxda Barcelona, isla markaana uu doonayo inuu baxo dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda ee 2021.

Idaacada “Cadena SER” ee dalka Spain ayaa waxay intaas ku sii dartay in wadahadaladii u dhaxeeyay Messi iyo Barcelona ee ku saabsanaa heshiiska cusub ay ahaayeen kuwo si wanaagsan u socday, laakiin dhacdooyinkii ugu dambeeyay ayaa ka dhigaya Lio inuu dib uga fiirsato wax walba, isla markaana la joojiyo wada hadalada waqtigan la joogo.

Lionel Messi ayaa u sheegay asxaabtiisa ugu dhow ee qolka labiska inuusan dooneynin inuu kooxda dhibaato ku noqdo, waxaana uu doonayaa inuu joogo ilaa iyo inta ay ka doonayeen Barcelona ee ah inta ka harsan qandaraaskiisa haatan.

Si kastaba ha noqotee, qandaraaska uu Lionel Messi oo 33 jir ah ku joogo kooxda Barcelona ayaa wuxuu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda ee 2020/2021.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close