DAAWO: Goolasha u sharraxan abaal-marinta goolkii ugu quruxda badnaa bishii June ee horyaalka Premier League oo la shaaciyey

(England) 03 Luulyo 2020. Waxaa la shaaciyey siddeeda ciyaaryahan ee ku tartami doona abaal-marinta goolkii ugu quruxda badnaa ama ugu fiicnaa bishii June ee horyaalka Premier League.

Musharraxiinta dhaliyey goolashii ugu quruxda badnaa bishi June ee horyaalka Premier League waxaa ka soo muuqday laacibka khadka dhexe ee Man United, Bruno Fernandes oo ku tartami doona goolkii uu ka dhaliyey Brighton, halka sidoo kale uu ka mid yahay weeraryahanka kooxda Arsenal ee Nicolas Pepe oo isna ku tartamaya goolkii uu ugu shubay ee Brighton.

Sidoo kale waxaa tartami doona Anthony Martial, Fabinho iyo Kevin De Bruyne oo iyaguna goolal cajiib ah ka dhaliyey horyaalka Premier League bishii la soo dhaafay ee June.

Pick June's Budweiser Goal of the Month

Halkaan hoose ka eeg siddeedda gool ee laga dooran doono goolka ugu quruxda badan horyaalka Premier League ee dhashay bishii June waxaana ay kala yihiin;-

Ben Chilwell oo ka dhaliyey kulankii (WAT 1-1 LEI) 20 Jun

Nicolas Pepe oo ka dhaliyey kulankii (BHA 2-1 ARS) 20 Jun

Pedro Neto oo ka dhaliyey kulankii (WHU 0-2 WOL) 20 Jun

Luka Milivojevic oo ka dhaliyey kulankii (BOU 0-2 CRY) 20 Jun

Anthony Martial oo ka dhaliyey kulankii (MUN 3-0 SHU) 24 Jun

Fabinho oo ka dhaliyey kulankii (LIV 4-0 CRY) 24 Jun

Kevin De Bruyne oo ka dhaliyey kulankii (CHE 2-1 MCI) 25 Jun

Bruno Fernandes oo ka dhaliyey kulankii (BHA 0-3 MUN) 30 Jun

Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalka goolasha ku tartami doona abaal-marinta goolkii ugu fiicnaa horyaalka Premier League ee bishii June:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close