Real Madrid oo sii dheereysatay hoggaanka horyaalka, kaddib markii ay guul dirqi ah ka gaartay kooxda Getafe… +SAWIRRO

(Madrid) 03 Luuliyo 2020. Real Madrid ayaa sii dheereysatay hoggaanka horyaalka, kaddib markii ay guul dirqi ah kaga gaartay 1-0 kooxda Getafe oo marti ugu aheyd garoonka Alfredo Di Stefano, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro 0-0 ah ay ku dhaafi waayeen labada kooxood Real Madrid iyo Getafe.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 79-aad kooxda Real Madrid ayaa heshay rigoore, waxaana gool ka dhigay Sergio Ramos, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 1-0 ay ku hoggaamineysay Los Blancos.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 1-0 ay kaga adkaatay Real Madrid kooxda Getafe oo marti ugu aheyd garoonka Alfredo Di Stefano, Los Blancos ayaa haatan ka sareysa kooxda booska labaad ku jirta ee Barcelona 4 dhibcood oo nadiif ah.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close