Manchester City oo garoonkeeda Etihad si raaxo leh saddexda dhibcood kaga qaadatay Liverpool … +SAWIRRO

(Manchester) 03 Luuliyo 2020. Manchester City ayaa si raaxo leh saddexda dhibcood kaga qaadatay Liverpool Etihad Stadium, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-0, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League ee dalka England.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 3-0 ay ku hogaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester City.

Daqiiqadii 25-aad Manchester City ayaa heshay rigoore waxaana gool ka dhigay Kevin De Bruyne, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 1-0 ay ku hogaamineysay Sky Blues.

Markale daqiiqadii 35-aad Manchester City ayaa dhalisay gool labaad, waxaana dheesha 2-0 ka dhigay Raheem Sterling, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Phil Foden.

Daqiiqadii 45-aad Manchester City ayaa dheereysatay hogaaminta dheesha, kaddib markii 3-0 ka dhigay Phil Foden oo caawinta goolkan ka helay saaxiibkiis Kevin De Bruyne.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 66-aad xiddiga kooxda Liverpool ee Alex Oxlade-Chamberlain ayaa iska dhaliyay gool, waxayna ciyaarta sidaas ku noqotay 4-0 ay ku hogaamineysay Manchester City.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 4-0 ay kaga adkaatay Manchester City kooxda Liverpool oo marti ugu aheyd garoonka Etihad Stadium.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close